Akhriso:-Muuse biixi oo isku shaandhayn ku samaynaya xukuumadiisa

0

Madaxweynaha Somalilland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu bishan aynu ku jirno ee June uu isku shaandhayn balaadhan ku sameeyo Xukuumaddiisa.

In kasta oo uu qorshuhu ahaa in May dhamaadkeeda ku sameeyo Isku shaandhayntaasi Xukuumaddiisa, hadana waxa ka soo dhex gashay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo iminka gabogabo maraysa.

Isku shaandhaynta Uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku samaynayo Xukuumadiisa ayaa ka danbaysa ka dib markii ay soo baxeen habac sanaan  badan oo ku saabsan xubnihii uu u xushay in la shaqeeyaan oo aan sidii la rabay uga soo bixin xilalkoodii.

Masuuliyiinta Xilalkooda Waayi doona iyo kuwa la isku bedelayo ayaa waxa ku jira wasiiro, agaasimeyaal, guddoomiyeyaasha goboladda iyo xubno kale.

Masuuliyiinta iminka Xilalka haya ayaa wadnaha farta ku haya, waxaanu mid waliba ku hawlan yahay sidii uu u badbaadsan lahaa xilkiisa in kasta oo uu bedelkoodu miiska saaran yahay.

Warkan laga helaayo ilo wareedyo u dhuun daloola Madaxtooyada ayaa sidoo kale waxa ay intaasi ku darayaan in uu Madaxweynuhu Soo Waddo Tiro ku dhaw ilaa tobaneeyo Wasiir ku xigeen oo uu damacsan yahay in uu ku damiyo saluuga ay beelaha qaarkood ku diideen saamiga uu xukuumadda ka siiyay.