Akhriso:-AMISOM Oo Ku Dhawaaqday Dagaal maalmaha Ciidul-Fidriga

0

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalladan ayey Ciidamada AMISOM uga gol leeyihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada Al Shabaab ay ka soo qaadi karaan gobolkaasi inta lagu gudajiro maalmaha Ciidul-Fidriga.

AMISOM ayaa sheegtay in howlgalladaasi ay ka bilowdeen deegaano iyo degmooyin ay ka mid yhiin Laantabuure, Afgooye, Lafoole iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/ Hoose.

Howlgalladan ayaa imaanaya xilli dhawaan Al Shabaab weerar dhab gal ah ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay deegaanka Siinka-Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.