DHAGEYSO:- Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur “Shuruudaha iyadoo aan la buuxin, haddii lacagta lasoo daabaco waxa ay keeni doontaa cawaaqib xumo”.

0

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah Wasiir u Dawlihii Hore ee Maaliyadda Soomaaliya haatanna ah Xogahayaha Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in xilligaan lacago loo soo daabaco waddanka.

Xildhibaanka ayaa marka hore soo dhaweyey Daabicista dowladda ee lacagta Cusub balse weli ay jiraan caqabado diidayo oo uu ku sheegay in ay tahay mid amnidarro iyo mid siyaasadeed intaba.

Waxa uu sheegay in masuuliyadda lacag daabicida uusan laheyn Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya balse Shaqadaas looga baahan yahay Bankiga Dhexe laakin tasi ka socokow ay jiraan caqabado amnidarro oo dalka ka jira.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Isaga oo Wareysi siinayey Idaacadda Voa-da waxa uu sheegay in dowalddihii dalka soo maray ay waqti iyo dadaal farabadan ku bixiyeen sidii lacago Cusub loo soo daabici laheyd basle ay ku guul dareysatay sidaas silamid ahna dowladdana aysan awoow u laheyn isaga oo tusaalo u soo qaatay inlacagtaas aysan ka socon doonin deegaanada Maamulka Soomaaliland iyo goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.

Isku soo wada duuboo Toddobaadkan ayay ahayd markii ay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya soo bandhigtay naqshadda ay yeelan karto lacag cusub oo loo soo daabacayo waddanka Soomaaliya, waxaana horey mas’uuliyiintu u sheegeen in loo baahan yahay lacag dhan 41 milyan oo dollar oo lagu soo daabaco lacagtaas.

HOOS KA DHAGEYSO