DHAGEYSO:-Maxaa ka jira in la musuq Maasuqay Gargaarkii loogu talagalay Hirshabeelle

0

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in lamusuq Maasuqay Lacag Kumanaan doolar ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadihii wabiga Shabeelle ee deegaanada Hirshabeelle.

Xildhibaanka ayaa sheegay in maamulada degmooyinka Mahadaay, Buula-Barde, Jalalaqsi iyo kuwa kale oo ka tirsan Labada gobal ee Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan, degmooyinka qaar ayaa lagu musu maasuqay lacg ka badan $60,000  sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Colow.