Wadooyinka magaalada muqdisho oo furan

0

Inta badadan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka dib loo furay waxaana ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Soomaaliya oo Gaadiidka iyo dadweynaha Baaraya.

Wadooyinka saaka furan ayaa Labaddii maalmood ee ugu dambeysay u xirneed Ciidamada amaanka Soomaaliya waxaana taasi qeyla dhaan xoog leh ka muujiyay qeybaha Shacabka ee ku nool magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amay in la furo wadooyinka xiran si deg deg ah, waxaana xalay dhaqan galay amarka Madaxweynaha Soomaaliya.