DHAGEYSO:- Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ka hadlay sababta khilaafka Galmudug kenay

0

Weli waxaan xal laga gaarin khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowlad goboleedka Galmudug,iyada oo ay kala degan yihiin Madaxda Iskhilaafsan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Xubnaha ku sugan Cadaado oo ay hoggaaminayaan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa waxa ay sheegayaan in la hareer maray heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug ee dalka Jabuuti.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in heshiiskaas ay muhiim tahay in marka hore la marsiiyo Baarlaamanka Galmudug si ay u meel mariyaan intaasi kadibna lagu dhaqmi doono.

Waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug uu yahay mid uu dhistay dadkiisa,isla markaana uusan aheyn mid Shaqsiyaad gaar ah ay sidii ay doonaan ay ka yeelanayaan sida uu hadalka u dhigay.