TOPNEWS:-Ciidamada maamulka koonfur galbeed oo gacanta ku dhigay rag ka tirsan Shabaab

0

Ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku qabteen Laba nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen raggan in sanadkii hore Magaalada Muqdisho ay ku dhaawaceen nin dhalinyaro ahaa, iyagoo sida la sheegay meyd ahaan uga tagey, balse dib laga ogaaday in uu nool yahay.

Waxay kaloo saraakiishu sheegeen ninkii ay dhaawaceen in ay uga daba tageen Magaalada Baydhabo, si ay ugu waxyeeleeyaan, xilli dhawaan ay khadka teleefanka uga soo hanjabeen in ay khaarajin doonaan.