TOP NEWS:- Dowladda Ingiriiska oo muwadiniinteeda uga digtay inay u safraan Hargeysa, Berbera,iyo Muqdisho iyo.

0

Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay qabto Cabsi ku aadan in muwaadiniinteeda ku sugan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya in ay la kulmaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin khatar dhinaca Ammaanka, falal dhac, Afduub iyo Argagixiso.

Dowladda ayaa waxa ay sheegtay in sidoo kale ay Muwaadiniinteeda uga digeyso in ay u safraan dalalka Ethiopia, Kenya, Djibouti, Masar, Sudan, Imaaraadka, Yemen iyo kuwo kale.

Waxa ay sheegtay in ay suurtagal tahay in Muwaadiinteeda UK ay wajahayaan Khataro ku saabsan dhanka Ammaanka.

Hadalkaan oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaq-sooranka ee Britain waxa uu ka digay dhamaan Socdaal in lagu taggo Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay sidoo kale xustay in dhammaan Muwaadiniinteeda aan hadda shaqo muhiim ah ka heyn Soomaaliya in ay si deg deg ah uga soo baxaan.

Isku soo wada duuboo meelaha ugu daran waxaa ka mid ah Muwaadiiniinta Uk looga digay Hargeysa, Berbera,iyo Muqdisho.