SAWIRRO:- Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda oo Xafiis ka furatay degmada Hobyo.

0

Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda ayaa markii ugu horeysay xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda waxa ay ka furatay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Xafiiskan laga furay magaalada Hobyo ee Maamulka Galmudug ayaa waxa uu qaban doona bixinta Basaboorka iyo kontoroolka dhaqdhaqaayada ka socda Garoonka Diyaaradaha iyo Dakada Hobyo.

Munaasabda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka dagmada iyo dadka deegaanka waxa ay dhamaantood sheegeen in baahi weyn loo qabay howlaha ay Qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, isla markaana ay uga mahadcelinayan masuuliyiintii ka soo shaqeysay in xafiiskan la furo.