SAWIRRO:- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo maanta kormeeray Maxkamadaha Gobolka Banaadir.

0

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta waxaa uu kormeeray qaar ka mid ah Maxkamaddaha gobolka Banaadir.

Waxaa uu tagay Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir iyo sidoo kale Maxkamadda kale ee gobolka.

“Waxaan maanta soo kormeeray Maxkamadda rafcaanka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir Si aan ugu kuur galo Hawlaha maxkamdaha, Waxaan sidoo kale warbixino ka dhagaystay gudoomiyayaasha maxkamadaha” ayuu yiri Baashe Yuusuf Axmed.