DHAGEYSO:- Puntland oo Amartay in Ardaydooda isaga soo baxaan deegaanada Somaliland.

0

Maamulka Puntland ayaa markale ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay dabada ka riixayaan dagaallada ka socda degaano ka tirsan maamulka Puntland.

afhayeenka Xukuumada Puntland C/laahi Quraan-jecel ayaa warbaahinta u sheegay in Somaliland ay amar ku bixisay in la laayo dhammaan dhalinyaradda kasoo jeedda Soomaaliya ee waxkabarata degaanada Somaliland.

Puntland ayaa sheegtay in Deegaanada Soomaliland ay waxka bartaan arday gaaraysa 900 oo arday.

Waxayna ugu baqeen in ay ka soo tagaan oo ay ku soo laabtaa degaanada puntland maadaama Soomaliland ay ku dhawaaqday in ay laynayaan Ardayda Jaamacadaha waxka barta, ayadoo laga Codsaday jaamacaha ardadaas waxka bartaaan in ay Simistarada u dhiman ay Puntland ugu soo wareejiyaan.

HOOS KA DHAGEYSO