DHAGEYSO:- Ciidamada Dowladda oo hawlgal ka wada wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal waxa ay ka waddaan wadada xiriisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Howlgalkaan loogu tala galay in lagu furo wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Ciidamada XDS saraakiil ka tirsan ayaa waxa ay sheegeen in ay ka hortagi doonaan Weerarada Al-Shabaab ay ugeystaan Mas’uuliyiinta Hirshabeelle.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa Amar ku bixiyay in Shabaab laga sifeeyo Wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Isku soo wada duuboo falaagada Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa dhawaan xildhibaano iyo ciidamo ka tirsan Hirshabeelle ku laayay wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

HOOS KA DHAGEYSO