Akhriso:-Wariye Hani Xaaji Maxamed oo ka tirsaned TV Universal oo Goordhaw geeriyootay

0

War goordhaw soo gaaray warbaahinta Allgalguud ayaa sheegaya in Goordhaw Dalka Turkiga ay ku Geeriyootay Allaha u Naxariiste Wariye Hani Xaaji Maxamed oo ka mid aheyd Shaqaalaha TV Universal.

Wariye Hani Xaaji Maxamed ayaa ku jirtay Isbitaal ku yaalla Dalka Turkiga,kadib markii uu ku soo booday Xanuun aan la shaacin waxa uu yahay,waxaana Eheladeeda ay inoo Xaqiijiyeen in Goordhaw ay ku geeriyootay Isbitaal ku yaalla Dalka Turkuga oo lagula tacaalayay Xaaladeeda Caafimaad.

Allaha u Naxariiste Wariye Hani Xaaji Maxamed ayaa ka mid ah aheyd Wariyasha Sameeynta ku leh TV Universal .