DHAGEYSO:- Golaha ammaanka ee QM oo cunaqabateyn kusoo rogay magefayaasha Liibiya.

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay lix ruux oo mas’uul ka ah hawlgallada dadka lagu tahriibiyo ee Liibiya.
Cunaqabtaynta oo ka kooban in safarrada caalamka laga xayiro iyo in lacagtooda la xannibo ayaa ka dhalatay qorshe ay soo gudbisay Netherlands taas oo caalamkuna ku taageeray.

Qorshahan ayaa markii hore la soo dhigay kawdii bishii May, balse Ruushka ayaa is hortaagay isaga oo dalbaday in uu dib u eego caddaymaha loo cuskanayo lixdaas nin.

Cunaqabatayntan aan la filaynin ayaa timid ka dib markii aad looga carrooday warbixin uu dabayaaqadii sannadkii hore sii daayay telefeshinka CNN taas oo muujinaysa rag tahriibryaal ah oo addoon ahaan loogu xaraashayo Liibiya.

Dadka liiskaas lagu daray waxaa ka kid ah afar Liibiyaan ah oo uu ka mid yahay nin madaxa ka ah qayb ka mid ah ciidammada ilaalada xeebaha iyo labo ruux oo dalka Eritrea u dhashay.

Dadka wax tahriibiya ayaa ka faa’iidaystay ammaan xumida Liibiya iyaga oo boqolaal kun oo ruux badda mariyay si ay Yurub u geeyaan.

Qaar badan oo ka mid ah tahriibeyaasha ayaa ku go’doonsan xarummo si ku meelgaar ah dadka loogu hayo, iyaga oo waliba jirdil kala kulma kuwa wax tahriibiya.

Waa markii koobaad ee dad wax tahriibiya lagu daro liiska cunaqabataynnada caalamiga ah.

HOOS KA DHAGEYSO