DHAGEYSO:- Ciidanka Booliska Gobalka Nugaal oo howlgalo Bilaabay

0

Taliska ciidanka ammaanka gobolka gobolka Nugaal ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland iyo howlgallo ammaanka lagu sugayo oo ay kawadaan ciidanka booliska gobolka Nugaal.

Taliyaha saildhigga dhexe ee magaalada Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul), oo Warbaahinta Garoowe Kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo oo ay sameeyeen maalmihii u dambeeyey ay ku qabteen ku dhowaad 30 ruux oo ku howlanaa falal ammaan xumo gaar ahaan furashada mobilada.