WAR DEG DEG AH:-Wariye Maxamed Aaden Xirsi (Terra) oo ku geeriyooday magaalada London.

0

Allaha U Naxariistee Wariye sare Maxamed Aden Xirsi Terra ayaa saakay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada London ee Cariga Ingiriiska.

Allaha u naxariistee Maxamed aaden Xirsi Terra waxa uu ahaa Rug Cadaa muddo badan ku gudajiray howlaha Saxaafadda, muddo badanna ahaa Wariye ka howlgala Raadiyo Muqdisho, balse markii dambe waxa uu noqday Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Raadiyo Muqdisho.

Marxuumka waxa uu hadda ka ahaa war akhriye Telefishinka gaar ah ee Universal, allaha u naxariisto Maxamed aaden Xirsi Terra, dadkii iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo, isagana Janadii Fardowso allaha ka waraabiyo.