WAR DEG DEG AH:- Mas’uul ka tirsanaa degmada Yaaqshiid oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa maamulka Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in qaraxan uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah oo Gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Xaaafada suuqa Xoolaha ee degmada Yaaqshiid.

Dhinaca kale Qaraxa ayaa la sheegay in uu qabsaday gaari uu watey Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Yaaqshiid,waxana la sheegay in uu sabababay qaraxa khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Isku soo wada duuboo Goobjoogayaal ayaa waxa sheegeen in qaraxaas ay ku geeriyoodeen Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Yaaqshiid kaas oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Geedi Farayare iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.