DHAGEYSO:-Mid ka mid ah Waxgaradka Gobalka Sool oo baaq u diray Puntland iyo Soomaaliland.

0

Mid kamid ah waxgaradka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa Puntland & Somaliland ugu baaqay inay dagaalkooda ku soo afjaraan nabad.

Garraad Jaamac Garraad Ismaaciil oo kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Sool ayaa isagoo ka hadlayay magaalada Laascaanood wuxuu ka hadlay dagaallada Puntland iyo Somaliland ku dhexmarayay bishii la soo dhaafay degaanka Tukareq ee gobolkaasi.

Wuxuu sheegay Garraadku inay kulmeen bulshada degaanka waxgaradkooda iyo maamulka gobolka Sool islamarkaana laga wada hadlay colaadda wali ka taagan Tukarraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland.