DHAGEYSO:-Maxaa Ka jira in Puntland Wada Hadalo Ku la Jirto Soomaaliland

0

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa si kulul uga hadlay warar sheegaya in dowladda Puntland ay waanwaan lageli doonto maamulka Soomaaliland inta ciidankiisu ku sugan yihiin gobolka Sool.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in nabad raadinta Muuse Biixi & Beesha Caalamka kuwa la baxay ay tahay mid aan waxba ka jirin oo dhicis ah, ilaa inta ay dib ugu laabanayaan dhulkooda oo ah wixii ka shisheeye deegaanka Oog.