WAR DEG DEG AH:- Falaagada Al Shabaab oo isaga baxay degmada Ceelwaaq iyo Dawooyin.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya ilo wareedkeena ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa waxa ay sheegayaan in hadda ay isaga baxeen maleeshiyaadka falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ee maanta xiligii afurka la wareegay gacan ku heynta degmada Ceelwaaq.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab ayaa markii ay soo galeen gudaha magaalada waxa ay ka khudbeeyeen Masaajida ku yaal magaaldaas, iyagoo dadka Khaadka cuna uga digay in xiliga maalintii ah ay Qaadka ku cuni karin gudaha magaaladaas, sidoo kalena waxay hanjaabaad iyo digniin u direen haweenka ka ganacsada Qaadka inaysan inta lagu jiro Ramadaanka xiliga maalintii ah ka gedi karin Qaadka dadka magaalada.

Ilo wareedkeena ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa waxa kale oo uu inoo sheegay sababta ay Shabaab usoo galeen gudaha degmada Ceelwaaq inay tahay in ay rartaan Daawada taalay Goobaha Caafimaadka ee degmadaasi, kadib dagaalkii xalay ka dhacay degmada Baardheere oo maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab kaga soo dhaawacmeen maleeshiyaad fara badan.

Dhinaca kale ilaa hadda saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaan ka hadlin la wareegida iyo ka bixida Shabaab ee degmada Ceelwaaq.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media