Golaha Amniga oo War kaso saaray Weraar Xalay lagu dilay Masuuliyin Hiirshabele katirsan

0

Shalay Gelinkii dambe ayay aheyd markii weerar lagu dilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle uu ka dhacay Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ee G/gobolka Shabeellaha dhexe,waxaana ka hadlay Golaha Amniga Qaranka.

Shirkii lagu soo gaba gabeeyey Magalada Baydhabo ayay golaha oo isugu jiraan Madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ku soo hadal qaadeen weerar kaas iyaga oo u tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay.

”Goluhu wuxu si wadajir ah tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa Xildhibaannadii iyo dhammaan dadkii ku geeriyooday weerarradii xaqdarrada ahaa ee ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sikastaba Allaha u naxariistee Xildhinaanada weerar kaas ku dhintay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Cabdi Mukhtaar,waxaana lagu wadaa in Maanta la’aaso.