DHAGEYSO:- Dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal xoogan oo socday saacad iyo wax ka badan ayaa ka dhacay degaanka Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwo ajaanib ah oo isku dhinac ah iyo maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maleeshiyaad ka tirsan ururka argagixisada ah ee Al-shabaab ay weerareen degaanka Sanguuri oo maanta barqadii ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka iyo kuwa Kenya, iyadoo ciidamada Jubbaland ay wehliyaan.

Khasaare kala duwan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkaasi oo dhinacyada halkaasi ku dagaalamay soo kala gaaray, inkastoo illaa hadda aanan si dhab ah loo ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca ee dagaalkaasi ka dhashay.

Dhinaca kale Maleeshiyada aragagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa Baraha Internet-ka ee ay wararka ku faafiyaan ku soo qortay gaari ay wateen ciidamada Mareykanka inay ku gubeen dagaalkaasi, inkastoo uusan jirin ilo madax banaan oo warkaasi xaqiijinaya.

Isku soo wada duuboo maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah ku qaada ciidamada Mareykanka, xilliyada ay dhaq dhaqaaqyada Militari ka sameynayaan duleedyada Magaalada Kismaayo.

HOOS KA DHAGEYSO