WAR DEG DEG AH:- Falaagada Al Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Ceelwaaq.

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka gedo aaya waxa ay sheegayaan in maleeshiyaad ka tirsan falaagada Argagixisada ah ee Al-Shabaab ay Caawa sinabad ah kula wareegeen degmad Ceelwaaq ee gobolka gedo ,kadib markii ciidamada dowladda ay isaga baxeen.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in mar kaliya dadka deegmadaasi ay ka war heleen xiligii Afurka Maleeshiyaadka Al Shabaab oo hubeysan oo gudaha u soo galaya Magaalada Kuwaasoo wata Hub fara badan iyo Gaadiid dagaal, iyadoo baqdin ay ku abuurtay arrintaas dadka deegaanka oo xiligaas isu diyaarinayay Taraawiixda.

Wararka ayaa waxa ay inatasi ku darayaan in ciidamadii dowladda ay aadeen dhanka Xaduudka ay degmada Ceelwaaq la wadaagto dalka Kenya,halkaas oo saldhiga ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Dhinaca kale Maleeshiyaadka Shabaabka ee Magaalada galay ayaa dadka deegaanka kula hadlay Masaajida, waxeyna usheegeen ineysan meell fog jirin, lagana dheeraado xarumaha Ciidamada iyo la shaqeyntooda sida ay Warbaahinta gudaha u sheegeen dad diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warabahinta.

Isku soo wada duuboo Qabshada degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay kusoo aadeysa xilli xalay Degamda Baardheere ay weerar ku qaaden maleshiyaadka falaagada ah ee Al-Shabaab walloow saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in ay iska difaaceen.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media