DHAGEYSO:- Saraakiisha Ciidanka DFS oo ka hadlay Dagaal ka dhacay Baardheere.

0

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegayaa in dagaal u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab,gelinkii dambe ee xalay.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey kadib markii Al-Shabaab ay aweerar ku qaadeen magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo,gaar ahaan ag agaarka Buundada,halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidmado ka tirsan Xoogga Dalka,sida ay dadka deegaanka Warbaahinta u sheeeen.

Saraakiisha Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in qasaare dhimasho iyo dhaawac ay dagaalkaasi ugu geesteen Al-Shabaabkii soo weerary,islamarkaana hub iyo dad nool laga qabsaday sida ay hadalka u dhigeen.

Abaanduulaha guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Dhexe Cismaan Sheekh Cabdi Qorax oo ku sugan magaalada Baardheere ayaa faah faahiyay sida uu u dhacay dagaalkaasi.