DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka hadlay dilka Xildhibaanada.

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed oo warbaahinta gudaha dalka la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay weerarka wuxuushnimada ah, ugu horeyna u tacsiyadeeyey Eheladaii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Xildhibaanadii Galabta la dilay.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano buundada Ilbiq oo u dhaw deegaanka Ceelka Geeloow oo ku yaalla inta u dahxeysa degamda Balcad iyo tuulada Qalimow.

Xildhibanada weerarkaas lagu dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Muumin iyo Macalin Daahir Muqtaar iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle,waxaan dilkaas ka hadlay guddoomiyaha Baarlamaanak hir-Shabeelle.

Dhinaca kale Gudoomiye Cismaan Barre Maxamed ayaa waxa uu weerarkaan ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab,waxa uuna sheegay ay Xildhibaanadaas la weeraray ay howlo sahqo ugu soo socdeen Magalada Muqdisho,isla markaana Maalinat berito ah la’aasi doono.

HOOS KA DHAGEYSO