AKHRISO:- Ciidamo Dowladda DFS ka wada Tirsan oo Muqdisho ku dagaalamay

0

Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxa uu u dhaxeyey Ciidamo ka wada tirsan dowladda,waxa uuna ka dhacay Xaafada Waaxda Xalane ee degmada Wadajir Gobolkaan Banaadir.

Dad Goobjoogayaal ayaa waxa ay Allgalgaduud u sheegeen in dagaalka uu yimid kadib markii dhul dhismo uu ka socday leysku qabsaday taas oo keentay in labada ciidan ay wada dagaalamaan.

“Askar ka wada tirsan dowladda waaye waxa dagaalamay Guri dhsimo ka socday ayaa kuwo rabay in ay lacag ka qaataan joojiyaan kuwo kale ayaa yimid oo difaacayey saas ayuu dagaalka ku dhacay,walahi aniga waxan arkay hal askari oo meydkiisa meesha laga qaadayey iyo Haweeney meesha mareysay oo dhaawac ah ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafada Xalane.

Xaalada Goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa haatan ah mid degan,waxana xiriir aan la sameynay Masuuliyiinta maamulka degmada si aan wax uga weeydiino dagaalkaas basle aysan noo suurtagelin.

Dagaalada dhexmara Ciidamada ka wada tirsan dowladda ayaa mudooyinkaan ku soo badanaya Muqdisho,waxana shalay Waaxda Saddexaad ee degmada Dharkenley ku dagaalamay ciidamada xasilinta iyo kuwa Millateri ah.

Wixii kuso kordha Allgalgaduud kalsoco