DHAGEYSO:- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Hal Milyan oo doollar ugu deeqday Somaliland.

0

Dawladda Soomaaliya ayaa hal milyan oo Doollar ugu deeqday hawlaha gurmadka duufaatanadii ka dhacay degaanada Maamulka Somaliland.

Kullan ay isugu yimaadeen Gudiga Qaran ee gurmadka oo uu shir gudoominayay R/wasaare ku xigeenka DFS Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka dabaylaha watay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Dhinaca kale R/wasaare ku-igeenka DFS Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay lacag hal milyan oo Doollor ah u qoondaysay gobollada Awdal iyo woqooyi galbeed oo ka mid ah meelaha roobabka dabaylaha watay ay Khasaaraha ka soo gaartay.

Isku soo wada duuboo, Dad iyo duunyo badan ayaa saameyn ay ku yeesheen roobabkii dabeylaha watay ee ku dhuftay Gobollada Awdal iyo Waqooyi galbeed oo ka mid ah meelaha khasaaraha badan ay ka dhasheen.

HOOS KA DHAGEYSO