SAWIRRO:-Ciidamada Xasilinta Caasimada oo gacanta ku dhigay Maleyshiyaad dhib ka waday Muqdisho.

0

Ciidamada Xasilinta caasimada magaalada muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Koox Falal amni daro ah ka geysan jirtay magaalada muqdisho gaar ahaan degmada hodan ee gobolka banaadir.

Ciidamada Xasilinta caasimada magaalada muqdisho oo howlgal ka waday degmada Hodon ayaa lagu soo wargeliyay Koox hubeysan oo Mooto wadatay, kuwaasoo Ardayda Jaamacaddaha taleefanada ka qaadanaayay.

Taliyaha Saldhigga booliska degmada hodan Gaashaanle cabdi fitaax mire  ayaa sheegay in kooxdaan oo wadta mootoyin ay arday jaamcaha usoo aada degmada hodan ay ka qaadan jireen taleefonada gacanta iyo laabtobyada

“Hay’adaha Amniga Degmada Hodan oo Gacanta ku dhigay Rag mootooyin watay oo dhac u geeysanayay arday kasoo baxday Jaamacad, ciidanka roonadada ayaa ka dul dhacay tuugadoo falkaas foosha xun ku guda jira” ayuu yiri Gaashanle c/fitaax