DHAGEYSO:- Wasiir ka tirsan maamulka Somaliland oo galabta gaaray magaalada Buuhoodle.

0

Waxaa Magalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer Galabta gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta Maamulka Somaliland Cabdi Rashiid Ducaale Qambi,iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa waxa ay wateen Gaadiid nooca dagaalka ah oo aad u waaweyn,kuwaas oo lagu dhex arkay gudaha Magalada Buuhoodle.

Waxka ayar 24 Saacadood ayaa Buuhoodle waxaa ka amqan Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin xaaji Cumar Camey oo mudo dhowr cisho ah ku sugnaa Magalada Buuhoodle.

Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta Maamulka Somaliland Cabdi Rashiid Ducaale Qambi, oo boqolaal ruux kula hadlay Buuhoodle ayaa sheegay ayaa Shacabka buuhoodle ugu baaqay in aan loogu sacba tumin colaad,isla markaan ay ku fara adeegaan nabadgelyada ay heestaan.

HOOS KA DHAGEYSO