DHAGEYSO:- Taliska AFRICOM oo sheegay inay duqeyn u geysteen fariisimo Al Shabaab leeyihiin.

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay iyada oo la shaqeyneysa dowladda federaalka Soomaaliya in ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay meel 26 Mile u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 Shabaab ah, Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah.

Dhinaca kale AFRICOM ayaa waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Mareykanka, loona baabi’iyo Al-shabaab.

Isku soo wada duuboo hawlgalkan ayaa waxaa qeyb ka ahaa sida qoraalkan lagu yiri, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM lagula midoobo howlgallada ka hortagga Shabaab, lana beegsado goobaha ay ku tababartaan ee Soomaaliya iyo gobolkaba.

HOOS KA DHAGEYSO