Akhriso:-Shirka golaha amniga qaranka oo ka furmay magaalada baydhabo

0

Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka furmay shirka Golaha amniga Qaranka, kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Shirka ayaa waxaa si rasmi ah u daah-furay Madaxweymaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, iyadoona uu socon doono muddo 2 cisho.

Waxaana looga hadli doonaa mudada uu socdo arrimo ay ka mid yihiin amniga dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad  iyo arrimo kale.

Shirka ayaa daba socda shirar hore oo looga hadlay arrimaha masiiriga ah ee dalka, iyadoo lafilayo in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.