Akhriso:-Faysal Cali Waraabe oo u jawaabay xildhibaan reer puntland ah oo dil ugu janjabay

0

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ee Ucid Faysal Cali Waraabe Ayaa ka Jawaabay Hadalo Hanjabaad ah Oo ka soo yeedhay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland oo ahayd In Faysal Cali Waraabe Meel kasta oo uu joogo la Toogto.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Sido kale ka hadlay qaranimada Somaliland waxaana sido kale talo iyo baaq u soo jeediyay Guud ahaan umada Somaliland oo uu ugu baaqay In ay qaranmadooda Ilaashadaan oo ay ka dheeraadaan cid kasta oo dhexdooda dhib iyo cadawad ka dhex wada Waxana Uu Yidhi “Inankaas Yari Wuu iska Hadlay, Muxuu I Yeeli karaa, waxba igama qaadi karo, wuu iska hadlay, waxaanu muujiyay Garaadkiisa ee aniga ALLE ayaa qoray waxkhtigaan dhimanayo,wakhtigaygana kama horaynayo kamana damaynayo, ee aniga inanka yar ee Ii soo hanjabay waxaan leeyahay adeer waxba ima yeeli kartida ee naxliga iyo xumaanta iska daa’