TOP NEWS:-Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Boqolaal Ciidan ah oo Garoowe Ku Wajahan

0

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ku marayey gobolka Cayn ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaadho galinka danbe magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ka soo ambabaxay magaalada Buuhoodle, wuxuuna ku sugan yahay deegaanka Xamar Lagu-xir oo uu kula hadlay boqolaal katirsan ciidamada deegaanka oo loo diyaariyey inay ka qayb qaataan dagaalka Tukaraq .

Camey waxay gobolka Cayn Ku wada kulmeen mudadii uu ku sugnaa Isimadda dhaqanka, Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha bulshada ee magaalada Buuhoodle oo ay ka wada hadleen arrimaha dagaalka ka aloosan gobalka Sool iyo mawqifka uga aadan.