TOP NEWS:- Gen Morgan oo Cashar u dhigay Muuse Biixi.

0

Gen Maxamed Xirsi Morgan oo kamid ah Musharixiinta sanadka 2019 u taagan qabashada Kursiga Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay colaada Tukaraq iyo dagaalka uu abaabulayo Muuse Bixi madaxweynaha Somaliland ,,wuxuna Morgan cadeyeey wuxuu yahay Muuse Bixi.

Gen Morgan ayaa Bartiisa Facebook uu ku leeyahay soo dhigay Qoraal dheer oo uu ugu digayo inuu dandansiga kajoojiyo Puntland hadii kale uu la kulmi doono dharbaaxo kulul.

Hoos ka akhri Qoraalka Geesi Morgan

Saaxiibkay Muuse Biixi Cabdi Dad in badan is yaqaan ayaanu Nahay Nasiib daro waxaa ah inuu maanta jahwareer Ku bilaabo dadka somaliyed ee maamulkiisa ah oo uu maalinba meel turin dagaal kaga furo

Muusow Nabad cidii kaama jeclaan jirine umada rabshada ka dhaaf xiligeedii majoogtid maanta ee umada masaakiinta ah danahooda saxda ah garo

Nabad jaceylka walalkay Muuse Biixi waxaan xasuustaa bariguu ciidanka cirka ahaa inaan Maalin hawlgeliyay asaga iyo saraakiil kale shaqa adagna udiray , halkii laga rabay inuu diyaaradda fuulo ayuu sagoo Diidan shaqada Wuxuu sameeyey inuu Lugta iska dhaawaco oo xabad iskaga dhufto si hawlgalka looga reebo , marka Masuul kii saas ahaa inuu maanta dagaal Ku baaqo waa Isbadalka Cimilada ee hadda jira Sidaan Filaayo.

Subax Suuban oo Sareedan Dhamaantiin , Salaamulaahi.