DHAGEYSO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay shirka Amniga ee Baydhabo ka furmaya

0

Shariif Xaan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa raja wanasgan ka muujiyey shirka Golaha Amniga Qaranka ee ka furmaya Baydhabo.

Waxa uu sheegay in Maanta uu qorshuhu yahay in uu shirkaasi Baydhabo ka furmo,isla markaana haatan uu socdo qaban qaabadii u dambesyay ee qabsoomida shirkaas.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedayda in sidii shirkaasi loogu talo galay ay uga wada qeyb galaan,isla markaana uu rajayenayo in uu guul ku soo dhamaado.

Dhinaca kale wax auu u mahad celiyey ciidamada dowladda kuwa Koonfur Galbeed iyo ciidamada AMISOM sida ay xilligaan amniga u xaqiijinayaan,isaga oo shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay ciidamada la Shaqeeyaan.