DHAGEYSO:- Guddoomiyihi Maxkamada Sare oo aqbalay Xil ka qaadistiisi

0

Maalma ka hor Madaxweyne Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan isaga oo xilkaas u Magacaabay Baashe Yuusuf Axmed balse waxaa xilka qaadistaas ka soo horjeestay guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray kulamo ay Ibraahim Iidle Suleymaan la lahaayeen Ururka Qareenada Soomaaliyeed si uusan khilaaf kale uga dhalan diidmada uu ku sameeyey xilka qaadistiisii.

Kulan ay Maanta muqdisho ku yeesheen Ururuka Qareenada Soomaaliyeed ayaa wax ay ku shaaciyeen in wadahadal kadib Ibarahim Iidle Suleymaan uu ka aqbalay xilka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Farmaajo,isla markaana uu xilka wareejin doono.

War-Saxaafadeed ee soo saareen Ururka Qareenada Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in ay garwaaq sadeen in arrinatani aysan noqon sida khilaafyadii hore ee xilalka la isaga qaadi jiray,iyaga oo isku xil saaray in qaab sharci ah ku dhamaato.

Sidoo kale iyada oo la tixgelinaayo balan qaadyadii uu madaxweyne Farmaajo ku sheegay in uu isbedel ku sameynayo garsoorka dalka.

Markii ay qiimeyn ku sameeyeen diidmadii ka timid gudoomiyihii hore iyo kan cusub ee la dhaariyey in ay xil adag iska saareen in guddoomiyaha uu ka tanaasulo hadalkii hore ee ahaa in uu howshiisa siiwadanaayo taas oo dhibaato ku ah in mujtamaca baahida u qabo garsoorka.