DHAGEYSO:-Garaad Saleebaan oo si kulul Uga Hadlay dagaalka Tukaraq

0

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo kamid ah isimada ugu caansan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn gaar ahaan gobolka Sool ayaa si kulul uga hadlay Xaalada Gobolka Sool.

Garaad Saleebaan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in shacabka kunool gobolka Sool aysan katirsanayn Somaliland aysana ku qanacsanayn inay ku biiraan maamul wax u dhimaya dowladnimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, Wuxuuna si gaar ah ula hadlay Wuxuu ugu yeedhay Jeegaanta iyo Muuse Biixi Cabdi Oo Duulaan Cad ku soo qaaday gobolka sool.