WAR DEG DEG AH:- Labo Askari iyo qof Shacab ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay labo Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya maanta ku dileen Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho sidda ay sheegeen goobjoogayaal.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Dilkan uu ka dhacay Bosteejadda Baydhabo, waxaana la sheegay in halkaasi lagu dilay labo Askari iyo qof Shacab ah.

Qofka Shacabka ah ayaa ku dhintay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada la dilay iyo Kooxdii soo weerartay.

Dhinaca kale Kooxihii dilkan geystay ayaa goobta ka baxsaday.

Isku soo wada duuboo Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen , waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgallo.