DHAGEYSO:- Puntland oo Somaliland ku eedeeysay inay ka bar bar dagaalamaan Al Shabaab.

0

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay ka dambeeyeen dagaalkii xalay ka dhacay degaanka Bali Khaddar ee gobolka Bari.

Gudiga Difaaca Puntland oo warbahinta la hadlay ayaa ka hadlay dagaalka Puntland la gashay Al-Shabaab iyo xaaladda Tukaraq,waxaana ay sheegeen in ciidanka Puntland ay soo weerartay Argagixo caalami ah oo ay qayb ka tahay Somaliland.

Dhinaca kale Axmed Cabdulahi Yusuf Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka Puntland ay iska difaaceen Weerarkii xalay Shabaab ay kusoo qaadeen.

Wasiirka ayaa xusay in ay dagaalkii xalay ka dhacay Bali Khadar ay ku jireen saraakiil uu kamid yahay Maxamed Cabdulahi Bataar oo lagu xusay in uu ka tirsanyahay guutada 8aad ee Ciidanka Maamulka Somaliland,kana soo jeeda degaanadda Somaliland.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO