Ciidamada Soomaaliya oo dib u qabsaday deegaanka Moqokori ee gobalka Hiiraan

0

Ciidamada Difaaca Soomaaliya ayaa saakay dib ula wareegay deegaanka Moqokori ee gobalka Hiiraan oo shalay gelinkii dambe qabsadeen Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dhaq-dhaqaaq ay sameeyeen Ciidamada Difaaca Soomaaliya ayaa sababay iney Shabaab ka baxaan deegaanka Moqokori ee gobalka Hiiraan, waxaana kadib deegaankaas si Nabad galyo ah u qabsaday Moqokori ee gobalka Hiiraan.

Saraakiisha Milatariga ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegay iney sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada Al-shabaab looga saarayo Guud ahaan gobalka Hiiraan oo ay sheegeen iney dhibaato badan ku qabaan shacabka ku hoos nool.