Akhriso:-Khasaare ka dhashay duqeyn Mareykanka uu ka fuliyey duleedka degmada Afgooye

0

Weerar dhanka Cirka ah oo ay Soomaaliya ka geesteen Ciidamada Mareeykanka ayaa la sheegay in lagu dilay 12 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

War kasoo baxay Taliska Sare ee Ciidamada Mareeykanka ee Afrika Shalay oo jimco aheed ayaa lagu sheegay in weerar dhanka Cirka ah ay ku qaadeen  deegaan 48Km Kaga aadan Koofurt Galbeed Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Warkan kasoo baxay Mareeykanka ayaa lagu sheegay Khasaaraha rasmiga ah ee uu geestay weerarkan halka uu ka dhacay iyo Waliba Xubnaha Al-Shabaab ka tirsanaa ee Lala eegtay.

Weerarada ay Fuliyaan diyaaradaha Iswada ee Mareeykanka ayaa Cirka isku Shareeray dhoowrkii Bilood ee ina dhaafay kadib Wada shaqeeyn Xoogan oo dhexmartay Ciidamada amaanka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Mareeykanka ee Qaaradan afrika dagan.

Weerarkan dhacay Khamiistii ayaa waxa uu noqonayaa kii 11-aad ee dhaca intii lagu Gudo jiray Sanadkan 2018-ka, oo Lixbilood uun socda waxa ayna noqoneeysaa mid kamid sanadihii ugu badnaa ee Weerarada dhanka Cirka Al-Shabaab lala eegto.

Weerarada  Mareeykanka Iyo Dowlaha kale ay ka geestaan Soomaaliya ayaa mararka qaar waxa ay geesteen khasaaro shacab oo lixaad leh, waxaana ugu danbeeyay Labo weerar oo Mareeykanka uu ka geestay Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose halkaa oo lagu dilay dad rayid ah.