DHAGEYSO+SAWIRRO:- Falaagada Alshabaab oo soo Bandhigay Film ka hadlaya Qaabka ay Dadka u dilaan.

0

Warbaahinta ku hadasha afka falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ee lagu magacaabo Alkataa’ib, ayaa waxa ay baahisay muuqaalo cusub oo ay kusoo bandhigeyso weerarada dilalka qorsheysan ah iyo qaraxyada ee maleeshiyada Al shabaab ee loo yaqaan Amniyaadka ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha hoose.

Muuqaaladan ayaa lagu soo gudbiyay howlgallada ay fuliyeen Guutada Amniyaadka falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab ay ku magacaawday Maxamed Bin Maslama oo ay sheegtay inay beegsadaan saraakiisha iyo madaxda dowladda Federalka.

Filimkan ayaa waxaa kasoo muuqanayay marka ugu horeysa gacan ku dhiigleyaasha dilalka fuliya oo tababar ku qaadanaya xero gaar ah oo aanan la ogeyn halka ay ku taalo kadibna waxaa muuqaalka filimka lagu soo bandhigayaa dilal qosheysan oo ay ka fulinayeen magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku beegsanayaan Saraakiil ciidan, Ergooyinka soo xulay xildhibaanada iyo shaqaale ka tirsan dowlada federalka Somalia.