Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka banaadir oo xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

0

Guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmada Warta Nabada ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa Cabdiweli Axmed Maxamed waxay ku dileen agagaarka masjidka Cabdalla iyo Cawreere ee degmada Warta nabada sida dad goob joogayaal ah ay wabaahinta u sheegeen.

Ragga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday.

Masuuliyiin ay horkaceysay guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabsey  waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka Marxuumka.