SAWIRRO:-Duqa Muqdisho Oo Furay Shir Looga Hadlayay Dimuqraadiyeynta Iyo Dhismaha Dowladaha Hoose

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa shir-guddoomiyey shirka JPLG oo ay ka soo qeyb galeen Dawlad Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka, kaas oo looga hadlayay Dimuqoradiyeynta iyo dhismaha Dawladaha Hoose.

Shirka waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyey Wasiirrada Arrimaha Gudaha Maamulkada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxayna warbixin ka dhiibeen dhismaha Golleyaasha deegaanka iyo wax yaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hirgeliyo.

Intii uu shirku socday ayay Maamul Gobolleeyada dalku soo bandhigeen habraacooda ku aadan arrimahan.