SAWIRO:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Puntland oo Bosaso boqday xarumo Muhiim ah

0

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba oo maalmahan ku sugnaa Magaaladda Boosaaso ayaa kormeer howleed ku sameeyay dowladda Hoose ee degmadda, isagoo la kulmay duqa degmada Cabdisalaan Bashiri Cabdisalaan.

Duqa Caasimadda Ganacsiga Puntland C/salaan Bashiir Cabdislaan oo ku soo dhaweeyay agaasimaha xarunta dowladda hoose ayaa uga warbixiyay horumarka iyo xaalada guud ee degmada Bosaso iyo howlaha socda oo ay ka mid tahay dib-u-habayn lagu sameeyay xarunta dowladda hoose ee dhinacyada dhismaha, shaqaalaha, shuruucda, dakhliga iyo hanaanka guud ee dowladda hoose ku shaqayso

Agaasimuhu wuxuu u kuurgalay isbedelka iyo horumarka ka socda xarunta dowladda Hoose ee boosaso, isagoo booqday qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay dowladda hoose, warbixinana ka dhagaystay agaasimayaasha waaxyaha ay u qaybsan tahay.

Agaasimuhu wuxuu sheegay inuu ku soo arkay dowladda hoose horumar ballaaran oo ka socda iyo isbedel iyo dib u habayn lagu sameeyay dhinacyada maamulka, shaqaalaha iyo qaabka ay dowladda Hoose u shaqayso, Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mushaharka iyo gunnada shaqaalaha si joogta ah loo bixiyo

“ waxaan halkan u imid inaan u guurgalo shaqooyinka iyo xaaladaha ka jira dowladda hoose iyo horumarka ka socda muddada yar uu hayay hoggaanka dowlada Hoose C/salaan Bashiri Cabdisalaan, waqtiga ayaa sheegaya qofkii wax muuqda qabta, waanad qabatay” ayuu yiri Agaasimaha