DHAGEYSO+SAWIRRO:-Maxaabiis Ku Jira Xabsiga Hargeysa Oo Ka Cabanaya Tacaddiyo Ay La Kulmaan

0

Dhallinyaro ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay iney tacaddiyo kala kulmaan ilaalada xabsigaasi.

Waxay dhallinyaradan tiro ahaan ay gaarayaan 20, iyadoo sanadkii 2009 laga qabtay badweynta Hindiya, iyaga oo lagu xiray jasiiradda Seychelles kadibna loo soo wareejiyey magaalada Hargeysa.

Dhallinyaradan ayaa ku kala xukunnaa 25 sano illaa 18 sano iyadoo mid kamid ah billowgii sanadkaanna uu dhintay mid kamid ah maxaabiistan ku xiran xabsiga Hargeysa.