DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Oo Shir Ka Furay Muqdisho

0

Mahdi Max’ed Guuleed Khadar ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Somaaliya Ayaa  magaalada caasimadda ah Ee Muqdisho Waxa Uu kulan la Qaatay qaar Ka Mid Safiirada Beesha Caalamka Ee Ku Sugan Muqdisho Iyo Danjirayaasha Midawga Yurub.

Kulan Uu ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka La qaatay Safiiradaan Ayaa Waxa Uu ahaa tashi Uu Kala Yeelanayey Shir Uu Tilmaaamay In Bisha Soo Socota Ee June In Uu Ka Furmi Doono Magaalada Bruseles Ee Dalka Belgium-ka.

Kulanka Markuu Soo Idlaaday Ayaa ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mahadi Max’ed Guuleed Khadar War-baahinta Kaga war-bixiyey Wax-yaabihii Kasoo Baxay Kulanka.

Qorshuhu waxa Uu yahay In 26-ka bisha June Ee Soo Socota Uu Magaalada Brussles Ka Furmo Shir Looga Hadlayo Wax-qabadka Dawladda faderaalka Ah Ee Soomaaliya Iyo Sidoo kale Qorshayaasha kaga Aadan Amniga Qaranka Sida Uu Xusay ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mahdi Max’ed Guuleed Khadar.