DHAGEYSO:- Ciidamada Dawladda iyo AMISOM oo weeraray fariisamo ay leeyihiin Al shabaab.

0

Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyeen howlgal ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo garab ka helaya Ciidanka AMISOM ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Buurhakaba.

Kadib kulankii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa Wasiirka Warfaafinta Maamulkaas Ugaas Xasan Cabdi Maxamed waxa uu sheegay in Ciidamada huwanta ah ay weerareen deegaanka Qeydaba oo in ka badan 20km u jira Buurhakaba.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay dagaalyahano farabadan oo ka tirsan Al-Shabaab kadib dagaal saacado socday oo deegaankaas ka dhacay sida uu hadalka u dhigay.

HOOS KA DHAGEYSO