XOG:- Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Kenya muxuu salka ku hayaa?

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warkan aya aintaasi waxa uu ku darayaa in Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Ujeedka safarka Madaxweyne Farmaajo ee Magaalada Nairobi ayaa xog aan helnay waxa ay sheegeysaa inuu la xiriiro muranka ka taagan xuduudda labada dal oo Kenya ay ka dhiseyso darbi weyn.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu Kenya kala hadlo joojinta darbigaas ama ugu yaraan inaysan kusoo xadgudbin dhulka Soomaaliya. Farmaajo iyo Uhuru ayaa horay qadka taleefanka uga wada hadlay, isla markaana isku raacay guddi loo saaro arrinta darbiga, isla markaana la hakiyo.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in labada madaxweyne ay ka hadlaan ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, ayada oo ciidamo Kenyan ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo safarka Madaxweyne Farmaajo ee Nairobi ayaa imaanaya, iyada oo magaalada ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha maamulada dalka qaarkood.

Waxii kasoo kordha warkan kala socod Allgalgaduud Media