TOP NEWS:- Puntland “Laascaanood waxaa hadda ka socda caburin, xarig iyo jirdil aan la aqbali karin oo loo geysanayo hooyooyin,arday ”

0

War-saxafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa lagu sheegay in shacabka ku nool degmadda Laascaanod ay ku sugan yihiin xaalad aad iyo aad u adag oo aan loo dulqaadan karin.

“ degmadda Laascaanood waxaa hadda ka socda caburin, xarig iyo jirdil aan la aqbali karin oo loo geysanayo hooyooyin,arday iyo shacab nugul oo aan waxba galabsan” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka oo sidoo kale baaq loogu diray hay;ada u dooda xuquuqul insaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.